Home Warar Ciyaaraha Maanta Kooxda Man City ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Brentford...

Kooxda Man City ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Brentford iyo guuldaro lama filaan ah dhabarka loo saaray kooxda Liverpool.

0

Kooxda Man City ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Brentford kulan ka tirsanaa premier League.

Kooxda Brentford ayaa ka naxsatay Man City waxana ay daqiiqadii 1-aadba ka dhaliyeen goolka 1-aad ee ciyaarta.

Waxa Goolka Brentford u dhaliyay xiddiga Yoane Wissa kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Man City ayaa bilowday in ay raadiso goolka bar-baraha iyaga oo si joogto ah u samaynayay fursadaha.

Daqiiqadii 19-aad ayay Man City dhalisay goolka dhalisay waxana u dhaliyay xiddiga Erling Haaland kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Man City ayaa sii waday dadaalada si ay u dhaliyaan goolal kale.

Daqiiqadii 32-aad ayuu Haaland dhamaystiray soo laabashada waxana uu dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City guul soo laabasho leh ka gaadhay Brentford.

Dhinaca kale waxa guuldaro lama filaan ah dhabarka loo saaray kooxda Liverpool.

Nottingham Forest ayaa Anfield ku garaacday Liverpool iyaga oo guul 1/0 ah ka gaadhay kulan ka tirsanaa premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here