Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isha la raaceyso kabtanka Real Madrid Sergio Ramos kadib wararka la isla dhexmarayay oo ku saabsan ciyaaryahanka Isbaanishka inuu ka tagayo Santiago Bernabeu.
34 jirkaan daafaca dambeedka dhexe ayaan wali heshiis cusub u saxiixin kooxda Los Blancos, sida ay hada tahayna wuxuu awoodaa inuu la hadlo kooxaha ajaanibta ah ka hor bisha Janaayo inta uusan suuqa kala iibsiga.
Tiro ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub oo ay ku jiraan PSG, Juventus, Manchester City, iyo Bayern Munich ayaa la rumeysan yahay inay doonayaan daafaca adag ee reer Spain.
Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay Marca, kooxaha waa weyn ee Premier League sida Man Utd ayaa dhaqaaqay daafaca isbiiradka leh kaasoo la rumeysan yahay inuu raadinayo heshiis labo sano ah oo uu la qaadanayo doono kooxda Zinedine Zidane.
Ramos ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u wareegayo kooxda 20-jeer haysata horyaalka Ingariiska, waxa ay xooga saari doontaa saxiixa laacibka ka hor inta uusan ugu dambeyn u saxiixin Los Blancos heshiis waqti dheer ah.
Xiddiga reer Spain ayaa ku guuleystay inuu shabaqa soo taabto 100 jeer 660 kulan oo uu u saftay Real Madrid oo ay ku jiraan 13 gool oo cajiib ah tartamada oo dhan intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2019-20.
Ramos ayaa muran la’aan ka mid ahaa daafacyadii ugu fiicnaa ebid ugu wanaagsan caalamka, Man Utd waxay ay adeegsan kartaa qibradiisa iyo maskaxdiisa si ay ugu guuleyso koobabka waa weyn.