Home Suuqa Kala iibsiga Kooxda Man United oo garaacday Real Betis kulan ka tirsanaa isku diyaarinta...

Kooxda Man United oo garaacday Real Betis kulan ka tirsanaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

0

Kooxda Man United ayaa garaacday Real Betis kulan ka tirsanaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Real Betis ayaa daqiiqadii 15-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Iker Losada kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Man United ayaa daqiiqadii 18-aad ku soo laabatay ciyaarta waxana goolka bar-baraha u dhaliyay xiddiga Marcus Rashford kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Amad Diallo ayaa daqiiqadii 24-aad dhaliyay goolka 2-aad ee Man United waxana uu ciyaarta ka dhigay 2/1.

Kooxda Man United ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii waday dadaalada ay ku doonayso goolal kale.

Daqiiqadii 31-aad ayay Man United dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay Casemiro kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Betis ayaa daqiiqadii 61-aad dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Diego Llorente kaas oo ciyaarta ka dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here