Kooxda Man United oo ka fiirsanee heshiiska kordhinta xidiga reer Brazil Fred

Inkastoo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Koofurta Ameerika uusan had iyo jeer wacdaro dhigin tan iyo markii uu yimid Old Trafford, ciyaaryahanka maskaxda ka ciyaara ee khadka dhexe burburinta ayaa haatan loo arkaa dooqa koowaad ee Ole Gunnar Solskjaer.

Iyadoo 27 jirkaan uu ku xiran yahay kooxda 20ka jeer hanatay horyaalka Ingariiska ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2023-24, Red Devils ayaa weli ku jirta boos adag oo la xiriirta mustaqbalkiisa.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay Manchester Evening News, saraakiisha kooxda ayaa ka fikiraya haddii ay wadahadallo la furayaan xidiga.

Fred waxaa oo ciyaaray 12 kulan tan iyo bilowgii bishii Sebtember, iyadoo sideed kulan uu ku soo bilowday Premier League-ga iyo Champions League.

Dhanka kale, kubadsameeyaha Manchester United Bruno Fernandes ayaa lagu soo waramayaa inuu u muuqday bartilmaameed lama filaan ah oo uu ugu biirayo kooxaha waa weyn ee El Classico, Barcelona iyo Real Madrid.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Portugal ayaa ku riyaaqay wax soo saar wax ku ool ah 11kii bilood ee ugu horeysay ee Old Trafford, isagoo 18 jeer shabaqa soo taabtay, 13 kalena caawiye ka ahaay 33 kulan oo saftay

Iyadoo Bruno Fernandes waxa uu heystaa heshiis gaaraya ilaa 2025, Red Devils ayaa ku jirta boos fiican oo ku saabsan mustaqbalka ciyaaryahanka.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay Fichajes, Fernandes wuxuu eegi doonaa inuu ka tago kooxdiisa ka ciyaarta Premier League haddii arrimuhu aysan horumar ka sameynin kooxda.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*