Home Warar Ciyaaraha Maanta Kooxda Man United oo ku soo laabatay wadada guulaha iyaga oo garaacay...

Kooxda Man United oo ku soo laabatay wadada guulaha iyaga oo garaacay kooxda Southampton

0

Kooxda Man United ayaa ku soo laabatay wadada guulaha iyaga oo garaacay kooxda Southampton kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid uu Ten Hag cadaadis weyn dareemayay kuna qasbanaa in uu guul ku hogaamiyo kooxdiisa.

Kooxda Southampton ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaara iyaga oo ka awood badnaa kooxda Man United.

Southampton ayaa xitaa heshay rikoodhe daqiiqadii 33-aad ee ciyaarta waxana si cajiib ah u badbaadiyay Goolhaye Andre Onana.

Man United ayaa ka fal celisay rikoodhada ay Southampton khasaarisay waxana ay daqiiqadii 35-aadba dhaliyeen goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay daafaca Matthijs de ligt.

Ka hor inta ayna qaybta hore ee ciyaartu dhamaan daqiiqadii 41-aad ayay Man United dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay Marcus Rashford.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man United ka taqalustay Southampton daqiiqadihii ugu dambeeyay.

Qaybtii dambe ayaa iska ahayd mid ay Man United ciyaarta maamulayso isla markaas ka awood badantahay Southampton.

Daqiiqadii 79-aad ayaa Southamton kaadhka cas looga daafaca xiddiga Jack Stephens kaas oo kooxdiisa kaga tagay 10 xiddig.

Man United ayaa daqiiqadii 90+6-aad dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Alejandro Garnacho kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United guul muhiim ah ka gaadhay kooxda Southampton.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here