Home Horyaalka Ingiriiska Kooxda Manchester United oo guul ka gaartay Aston Villa Hogaankana la qabatay...

Kooxda Manchester United oo guul ka gaartay Aston Villa Hogaankana la qabatay Kooxda Liverpool

0

Kooxda Manchester United ayaa guul ka gaartay kooxda Aston Villa iyadoo hogaanka la qabatay kooxda Liverpool inkastoo farqiga goolasha looga hayo wali hogaanka Horyaalka.

Labada koox ayaa ciyaaray kulankii 16-aad ee Horyaalka Kooxda Manchester United ayaana gaartay guusheeda ugu horeesay ee sanadka 2021.

Manchester United ayaana guusha kulankaan ugu fileyd goolal ay ka heshay xidigaha Anthony Martial Daqiiqadii 44-aad iyo Bruno Fernandes Daqiiqadii 61-aad ee ciyaarta goolkaasi oo ahaa Rigooro kooxda Aston villa ayaana heshay goolkeeda Daqiiqadii 58-aad ee ciyaarta waxana u saxiixay Bertrand Traore.

Guusha Manchester united ay gaartay kulanka ayaa ka dhigan in ay 33 dhibcood la wadaagto kooxda Liverpool inkastoo looga hayo hogaanka farqiga goolasha waxana kulanka xiga ay la ciyaaridoonta kooxda Manchester City Arbaca soo socota.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here