Kooxda Manchester United ayaa heshay go’aankii ugu dambeeyay ee FA-GA ka dib markii kaar cas loo taagay Bruno Fernandes.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee weerarka ka ciyaara ayaa casaan la siiyay kulankii Tottenham Hotspur ka dib markii uu kubada kula loolamay James Maddison.
Garsooraha kulankaas Chris Kavanagh ayaa ku ciqaabay kabtanka Red Devils kaar casaan ah, iyadoo garsooraha caawiyaha ee (VAR) uu taageeray.
Dhacdadan ayaa dhacday waqtigii nasashada, iyadoo Manchester United uu gool ka dhaliyay Brennan Johnson.
Inkasta oo ay wakhti yar oo ay United dib u soo noolaatay, Spurs ayaa ka faa’iidaysatay maqnaashaha iyaga oo ay goolal kale u kala dhaliyeen Dejan Kulusevski iyo Dominic Solanke.
Fernandes, ayaa hadda laga masaxay kaarkii casaa, inkasta oo uu soo daahay, ka dib markii FA-gu ay meesha ka saareen go’aankii casaanka ahaa.
Hadii kaadhka cas uu taagnan lahaa, xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal ayaa la ganaaxi lahaa seddexda kulan ee soo socota ee Premier League-ga ee ay United wajahayaan Aston Villa, Brentford iyo West Ham.