Home Horyaalka England Kooxda Manchester United oo Sameesay Saxiix Cusub

Kooxda Manchester United oo Sameesay Saxiix Cusub

0

Kooxda Man United ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Leny Yoro.

Man United ayaa Leny Yoro kala soo wareegtay kooxda Lille iyada oo ka dhigtay saxiixeedii ugu dambeeyay ee xagaaga.

Red Devils ayaa saxiixa xiddiga Leny Yoro ku garaacday Real Madrid kuwaas oo uu doonayay in uu ku biiro.

Xiddiga ayaa dhamaystiray tijaabada caafimaadka kooxda Man United waxana uu noqday saxiixeedii 2-aad ee xagaaga.

Lille iyo United ayaa saxiixay wax walba oo ku saabsan heshiiska waxana uu Yoro qalinka ku duugay heshiis ilaa sanadka 2029 ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here