Home Horyaalada Kale Kooxda Manchester United Oo UEFA U Gudbisay Liiska Xiddigaha U Ciyaari Doona...

Kooxda Manchester United Oo UEFA U Gudbisay Liiska Xiddigaha U Ciyaari Doona Tartanka Europa League

0

Manchester United ayaa ku dartay saxeexeeda cusub ee Amad Diallo liiska ciyaartoyda ay u gudbisay UEFA ee u ciyaari doona wareegyada xiga ee tartanka Europa League oo ay u dhacday kaddib markii ay kasiibatay sallaanka Champions League.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa liiska ciyaartoydiisa hore uga reebay difaaca reer England ee Phil Jones waqtigii ay ku jireen Champions League, laakiin hadda oo ay u dhaceen Europa League ayaa uu tababaruhu liiska kusoo daray 28 jirkan oo xili ciyaareedkan dhaawac kaga maqnaa.

Dialo oo 18 jir ah, isla markaana ay £37 milyan oo Gini ay Manchester United kaga soo iibsatay Atalanta bishii hore ayuu sharcigu u ogol yahay inuu ka ciyaaro Europa League inkasta oo uu hore uga soo muuqday Champions League xili ciyaareedkan, walina kooxdiisii hore ay ku jirto tartanka.

United ayaa u safri doonta Real Sociedad lugta hore ee wareegga 32ka marka ay taariikhdu tahay Februry 18, waxaanay lugta labaad garoonkeeda Old Trafford ku qaabbili doontaa kooxda reer Spain isla toddobaadka xiga oo noqon doonta February 25.

Goolhayaha reer Argentina ee Sergio Romero ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda Manchester United iyadoo uu Solskjaer doonayo in 33 jirkani iskaga tago kooxda, lalana xidhiidhinayo horyaalka waddanka Maraykanka ee MLS oo suuqiisa iibku uu furmayo bisha dambe.

Tababare Solskjaer waxa uu liiskiisa kusoo darsaday Nathan Bishop oo noqon doona goolhayaha afraad ee kooxda.

Mason Greenwood iyo Brandon Williams ayaan lagu soo darin liiska ciyaartoyda Manchester United u gudbisay UEFA, sababtuna waxay tahay inay ku jiraan liisatada B oo loo ogol yahay inay kasoo muqudaan ciyaartoydii dhashay wixii ka dambeeyay January 1, 1999kii, kuwaas oo da’yar ahaan lagu tixgelinayo inay liiska labaad ku qornaadaan, isla markaana u ciyaaraan kooxda waaweyn.

Liiska ciyaartoyda Manchester United ee tartanka Europa League:

David de Gea, Dean Henderson, Lee Grant, Nathan Bishop, Victor Lindelof, Eric Bailly, Phil Jones, Harry Maguire, Luke Shaw, Alex Telles, Aaron Wan-Bissaka, Axel Tuanzebe, Paul Pogba, Fred, Bruno Fernandes, Nemanja Matic, Scott McTominay, Donny van de Beek, Juan Mata, Daniel James, Amad Diallo, Edinson Cavani, Anthony Martial, Marcus Rashford

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here