Sida lagu sheegay qiimayn ay samaysay shabakadda Sportico, kooxda Manchester United ayaa wali ah darajada koowaad ee kooxda ugu qiimaha badan horyaalka Premier League.
Red Devils ayaa mudo dheer ahaa kooxda ugu qiimaha badan guud ahaan kubadda cagta England, xogtaas ayay wali sii wataan kaddib markii qiimaha kooxdaasi 28% kordhay labadii sano ee ugu dambeeyay.
Warbixinta Sportico ayaa sheegaysa in Man United haatan ku qiimaysan tahay 4.8 Bilyan pound sidaasna ku tahay kooxda wali ugu qiimaha sarreysa England.
Boosaska labaad iyo saddexaad ayay soo galeen kooxaha United xifaaltanku kala dhaxeeyo ee Liverpool iyo Man City, Reds ayaa booska labaad ku jooga 3.8 Bilyan pound halka Sky Blues ku qiimaysan yihiin 3.5 Bilyan pound.
Hoggaamiyayaasha Premier League ee haatan ee Arsenal ayaa hal kaalin soo dalacay oo booska afraad kuso galay qiimayn 2.9 Bilyan pound halka halka Chelsea oo shanta sarre dhammaystirtay ay ku qiimaysan tahay 2.8 Bilyan pound.
Warkan ayaa ah mid soo baxaya laba bilood kaddib markii maamulka Man United shaaciyeen inay kooxdu iib tahay oo dalabaad sugayaan.