Kooxda Newcastle United oo Xiriir la Sameesay Wakiilka Xidig ka tirsan Chelsea

Milkiilayaasha cusub ee Newcastle United ayaa isha ku haya inay u dhaqaaqaan weeraryahanka Chelsea Timo Werner .

Sidaasi waxaa sheegay madaxa kubadda cagta ee BILD Christian Falk.

Falk ayaa sheegeya in joogitaanka daafaca reer Switzerland Fabian Schar ay fure u tahay xiisaha Newcastle ee xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka.

Wuxuu yiri, “Newcastle waxay xiiseyneysaa Timo Werner .

“Wakiiladda Werner ayaa helaya Xiriir uga imaanaya dhanka Newcastle United iyadoo ay dhici karto in Xidigan uu u wareego Kooxda Dhawaan lala wareegay.

Werner, oo 25 jir ah, ayaa ka hadlay suurtogalnimada uu uga tagayo Chelsea toddobaadkii la soo dhaafay kaddib 18 bilood oo adag oo uu la qaatay kooxda heysata horyaalka Yurub.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*