Kooxda PSG oo ku dhawaaqday Liiska Xiddigaha u Ciyaaraya Champions League

Tababare Mauricio Pochettino ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa uga qayb galaya kulanka UEFA Champions League ee ay la ciyaarayaan Club Brugge oo ay dalka Belgium-ka ku booqanayaan.

Xulashada tababaraha ree Argentina ayay kusoo baxeen xiddigaha muhiimka u ah weerarka kooxda ee Lionel Messi iyo Neymar oo uu Sabtidii nasiyay kaddib markii ay dalalkooda Brazil iyo Argentina usoo ciyaareen kulamadii isreeb-reebka.

Xiddiga wali maqan ayaa ah daafaca dhexe ee Sergio Ramos oo aan wali kooxda isagu metelin tan iyo markii uu qaabka bilaashka ah ugaga soo biiray Real Madrid.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*