Waxa toddobaadyadan ugu dambeeyay wax badan laga qorayay mustaqbalka Lionel Messi oo la filayo inuu Paris Saint-Germain ka dhaqaajiyo marka heshiiskiisa kooxdu dhaco xagaaga.
Messi ayaa u furan ku laabashada kooxdii uu 21-ka sano joogay ee Barcelona balse wuxuu u muuqdaa inuusan ahayn weeraryahanka kaliya ee Paris jooga ee Barcelona doonaya.
Sida uu sheegayo wargeyska Relevo, Neymar Jr ayaa isaguna jeclaan lahaa ku laabashada Camp Nou walow haatan uu fahamsan yahay inay tahay wax aan macquul ahayn marka la eego xaalada dhaqaale ee kooxda oo cakiran.
Neymar ayaa toddobaadkan marti ku ahaa dabaaldegii safka Barcelona ee ku guuleysigoodii horyaalka La Liga, inuu Brazilian-kaasi ka qayb galay xafladaas ayaa sii hurinaysa wararka la xidhiidhinaya ku laabashada halkaas.
Waxa jiray warbixino badan oo si isku mid ah u sheegaya in PSG doonayso inay iibiso Neymar, si kastaba uma badna inuu ku laabto Barca walow aan waxba meesha laga saari karin.
Ney ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa kooxaha horyaalka Premier League gaar ahaan Chelsea iyo Newcastle United.
Sidoo kale waxa jiray warar sheegaya in Sheikh Jassim Bin Hamad Al Thani oo ah Qatari doonaya iibka Man United uu Neymar kula saxeexan karo Old Trafford.