Kooxda Real Madrid ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda Eibar oo marti loogu ahaa garoonkooda kulan ka tirsan Horyaalka Spain ee la liga.
Xidigaha Macalin Zidanbe ayaana 3 iyo 1 kaga guuleestay Eibar goolal ka kala yimid Karim Benzema,Luka Modric, Lucas Vazquez.
Xidiga Karim Benzema ayaana noqday xidiga goolka ugu horeeya daah furay Daqiiqadii 6-aad waxana goolka labaad u Saxiixay Real Madrid xidiga Luka Modric Daqiiqadii 13-aad ee ciyaarta kooxda Eibar ayaana heshay goolka Calanka daqiiqadii 28-aad iyadoo qeybta hore lagu kala nastay 2-1.
qeybta danbe ee ciyaarta ayaana isbadal badan ku soo kordhin ciyaarta iyadoo Real Madrid ay hogaanka kulanka dheereesatay kadib markii uu xidiga Lucas Vazquez uu shabaqa soo taabtay daqiiqadii 90+2 aad kulanka ayaana ku soo idlaaday 3 iyo 1.
Kooxda Real Madrid ayaa gashay booska labaad ee kala sareynta Horyaalka iyagoo leh 29 dhibcood inkastoo kooxda Atletico madrid uu u harsanyahay labo kulan.
Los Blancos ayaana kulanka xiga waxay garoonkeeda ku soo dhaweyndoontaa kooxda Granada Arbacada soo socota.