Kooxda Real madrid oo soo saartay safka ay kaga hortageyso Chelsea habeen dambe.

Kooxda Real madrid ayaa soo saartay safka ay habeen dambe kaga hortageyso kooxda chelsea kulanka lugta labaad ee uefa champions league oo habeen lagu ciyaari doono garoonka chelsea ee stamford bridge.

Kooxda martida ah ayaa soo saartay dhamaan xidigaheeda diyaarka u ah ciyaartaan waxaana qeyb ka ah sergio Ramos oo isbuucyadaan ka maqnaa waxaana dhamaan jamaahiirta real ay u arkaan warweyn maadama uu usoo laabanayo kabtankood oo maqnaa kulankii 1-1 ee ka dhacay guriga real madrid.

Safka loosoo xulay kulanka chelsea.

Goolhayaasha: Courtios, Lunin, Altube.

Daafacyada: eder Militao, Sergio Ramos, Nacho, Marcelo, Mendy, odriozola, miguel.

Qadka dhexe: kroos, Modric, Casmiro, Valverde, isco, Arribas, iyo baanco.

Weerarka: hazard, Benzema, Vinicius Jr, Assensio, Mariano iyo Rodrygo.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*