Kooxda reer Taliyaani ee Juventus oo diiday inay lasoo wareegto ciyaaryahan khadka dhexe oo ka tirsan Arsenal

Kooxda heysata horyaalka Serie A ee Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay u soo bandhigtay kubadsameeyaha Arsenal Mesut Ozil shan jeer oo kala duwan saxiix cusub, si kastaba ha ahaatee, waxay go’aansadeen inay diidaan saxiixa xiddigii hore ee Real Madrid sababo dhaqaale awgood.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Jarmal ayaa laga reebay safka Arsenal ee kooxaha Yurub ee Premier League qeybtii hore ee xilli ciyaareedkaan ka dib markii uu ku guuldareystay inuu ka guuleysto tababaraha reer Spain Mikel Arteta.

32 jirkaan ayaa si joogta ah loogu xamanayay inuu ka tagayo kooxda ka dhisan Waqooyiga London, sida laga soo xigtay Calciomercato, kooxda Andrea Pirlo ayaa ka mid ah kooxaha ay horay u muujiyeen xiisaha ay u qabaan.

Si kastaba ha noqotee, inkastoo Gunners ay isku dayday inay iska fasaxdo Jarmalka, waxaa lagu soo waramayaa in Juve aysan qiil u heli karin inay la jaan qaado mushaharka ciyaaryahanka khadka dhexe.

Ciyaaryahankii hore ee Jarmalka Ozil ayaa qandaraaskiisa dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkaan, taasoo la micno ah inuu awoodo inuu la hadlo kooxaha ajaanibta ah si xor ah isla marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*