Kooxda Sevilla oo heshiis Shan sano ah usoo bandhigtay Sergio Ramos.

Kooxda reer Spain ee Sevilla ayaa diyaar u ah inay lasoo wareegaan kabtanka Real madrid Sergio Ramos iyagoo daafacaan 35 sano jirkaan usoo bandigayaan heshiis shan sano ah, sida ay sheegtay El Primer Palo ee esRadio.

Sergio Ramos ayaa kasoo baxay kooxda dhalinyarada ee Sevilla ka hor inta uusan ku biirin Real Madrid sanadkii 2005 tii isagoo tan iyo markaas noqday halyeey kooxda ku ciyaarto Santiago Bernabeu.

Si kastaba ha noqotee wuxuu qandaraaska uu kula jiro Real uu dhici doonaa dhamaadka bishaan wuxuuna ku laaban karaa Sevilla, kaasoo sida la sheegay usoo bandhigay heshiis uu u ciyaari karo ilaa uu kaga gaaro da’da 40 ka sano.

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*