Home Horyaalka Germalka Kooxda uu ka tirsanyahay Denis Zakaria oo Xaqiijisay Bixitaanka Xidigeeda

Kooxda uu ka tirsanyahay Denis Zakaria oo Xaqiijisay Bixitaanka Xidigeeda

0

Borussia Monchengladbach ayaa xaqiijisay in xiddiga khadka dhexe ee Denis Zakaria uu ka tagi doono kooxda marka uu dhamaado qandaraaskiisa 2022.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Switzerland ayaa ku dhow inuu galo lixdii bilood ee ugu dambeysay heshiiska uu kula jiro kooxda Bundesliga ka dhisan, waxaana sabtida wixii ka dambeeya uu xor u noqon doonaa inuu heshiis hordhac ah la galo kooxo ajnabi ah.

Dadaalka Monchengladbach ee ku aadan in Zakaria uu heshiis cusub ka saxiixo ayaa ku guuldareystay inuu miro dhalo, kooxda ayaana haatan ku dhawaaqday in 25-sano jirkaan uu u dhaqaaqi doono sanadka soo socda.

Arsenal , Liverpool , Bayern Munich iyo Barcelona ayaa dhamaantood la rumeysan yahay inay diyaarinayaan dalabyo ay ku doonayaan Zakaria, kaasoo 11 gool u diiwangeliyay 8 caawin 144 kulan uu u saftay Monchengladbach tan iyo 2017.

Previous articleThomas Tuchel oo ka Hadlay hadalka dhawaan kasoo yeeray Lukaku
Next articleBarcelona oo isha ku heysa inay la soo wareegto Aymeric Laporte.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here