Kooxdee Ayuu Goolashada ugu badan ka dhaliyay Xidiga Mo Salah Kooxaha Premier league-ga

Photo/Getty

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa rikoodh fiican ku leh kulamada uu ka hor tago kooxaha waaweyn ee horyaalka premier League.

Salah ayaa rikoodh fiican ku leh kulamada uu ka hor tago kooxaha waaweyn ee Man United, Man City, Arsenal, Tottenham iyo chelsea.

Xiddiga Salah ayaa dhamaan goolal ka dhaliyay kooxaha waaweyn ee premier League tan ilaa markii uu Liverpool ku soo biiray.

Kooxda Man United ayaa ah kooxda uu Salah goolasha ugu badan ka dhaliyay 5-ta kooxood ee ugu waaweyn horyaalka premier League.

Salah ayaa 9 gool ka dhaliyay Man United waxana ku xigta kooxaha Man City, Arsenal iyo Tottenham kuwaas oo uu ka dhaliyay min 8 gool.

Dhinaca kale kooxda chelsea ayaa ah kooxda ku xigta isaga oo ka dhaliyay 7 gool tan ilaa markii uu yimid kooxda Liverpool.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*