Kooxdee ayuu Rajeynayaa Erling Braut Haaland inuu ku biiro Xagaagan

Weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Braut Haaland ayaa lagu soo waramayaa inuu rumeysan yahay in la siin doono fursad uu ugu biiro Manchester City inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

21-sano jirkaan ayaa la filayaa inuu ka tago BVB dhamaadka xilli ciyaareedka 2021-22, markaasoo 63 milyan ginni lagu burburin karo qandaraaskiisa haatan.

Manchester United ayaa lagu Xamanayaa inay isaga hartay tartanka loogu jiro xiddiga heerka caalami ee dalka Norway, iyadoo Real Madrid la sheegay inay si adag ugu horeyso safka loogu jiro adeegiisa.

Sida laga soo xigtay saxafiga Marca Mario Cortegana , Haaland ayaa rajeynaya in Man City ay u dhaqaaqdo xagaagan, iyadoo Citizens ay si adag ugu jiraan tartanka saxiixiisa.

Barcelona , Chelsea , Bayern Munich iyo PSG ayaa sidoo kale ka mid ah kooxaha lala xiriirinayo weeraryahanka Dortmund, kaasoo dhaliyay 19 gool, islamarkaana loo diiwaan geliyay lix caawin 17 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*