
Weerar yahanka kooxda Barcelona ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa la shaaciyay dookhiisa suuqa kala iibsiga.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Gabon ayaa lala xiriirinayaa inuu ka tagayo kooxda Catalan.
Inkastoo uu kaliya u saxiixay Barca bishii Janaayo, Aubameyang ayaa laga yaabaa inuu horayba uga tago Kooxda tan iyo imaatinka Robert Lewandowski xagaagan.
Sida laga soo xigtay The Telegraph , labada kooxood ee Chelsea iyo Manchester United ayaa doonaya inay dib ugu soo celiyaan England.
Si kastaba ha ahaatee, isha ayaa sheegeysa in dookha Aubameyang uu yahay Chelsea , maadaama ay ku jiraan Champions League.
dooqa koowaad ee Xidiga ayaa ah inuu weli sii joogo Barcelona , maadaama uu ku faraxsan yahay kooxda La Liga .
Be the first to comment