Kooxdee Hogaamineysa Saxiixa Erling Braut Haaland ee Kooxaha Premier League-ga

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay hogaamin doonto safka loogu jiro hadii Erling Braut Haaland uu go’aansado inuu u dhaqaaqo Premier League inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Norway ayaa qandaraaskiisa Borussia Dortmund lagu burburin karaa 64 milyan ginni dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana la filayaa inay saxiixiisa ku tartamaan kooxo badan.

Manchester United ayaa lagu Xamanayaa inay dhawaan isaga hartay xiisaheeda , laakiin Barcelona , Real Madrid , Chelsea , Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain ayaa dhamaantood la sheegay inay wali ku jiraan tartanka.

Real Madrid ayaa loo maleynayaa inay tahay kooxda uu jecel yahay Haaland, laakiin sida laga soo xigtay Sky Sports News , Man City ayaa hogaamineysa xiisaha Premier League ee 21 jirkaan.

Haaland ayaa mar kale qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigtay BVB intii lagu jiray ololihii 2021-22, isagoo dhaliyay 19 jeer wuxuuna diiwaan geliyay lix caawin 17 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*