Kooxdii saddexaad oo ku biirtay tartanka Kylian Mbappe

Weeraryahanka Paris Saint-Germain Kylian Mbappe ayaa lagu soo waramayaa in lagu wargaliyay seddex kooxood oo ku tartamaya saxiixiisa xagaagan.

23 jirkaan ayaa arki doona qandaraaska uu ku joogo Parc des Princes oo dhamaanaya bisha June, waxaana uu haatan xor u yahay inuu heshiisyo hordhac ah la galo kooxo ajnabi ah.

Real Madrid ayaa la aamisan yahay inay safka hore kaga jirto saxiixa Mbappe, iyadoo hal warbixin ay sheegeyso in kooxda reer Spain ay isku diyaarineyso soo jeedinta ugu dambeysa ee qandaraaska ciyaaryahanka reer France.

Kooxda uu hadda hogaamiyo Mbappe ee PSG, ayaa dhanka kale rajaynaysa inay weeraryahanka ku xidho heshiis cusub; Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahankii hore ee France Jerome Rothen ayaa sheegay in koox seddexaad ay ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa ciyaaryahanka, laakiin kooxdaasi ma ahan Barcelona .

Isagoo ka hadlayay bandhigga RMC ee Rothen On Fire ee France, Rothen wuxuu yiri: “Sida ku cad xogta la i siiyay, waxaa jira naadi seddexaad oo dagaalka soo galay.

“Ma garanayo haybta kooxdan laakiin waxa la hubo ayaa ah in ayna Barcelona ahayn, waxaa ii xaqiijiyay kooxda.

.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*