Kooxo waawayn oo Durbaba isaga Haray Tartankii Loogu Jiray khadka dhexe ee xulka England iyo kooxda Borussia Dortmund ee Jude Bellingham

Tartanka loogu jiro khadka dhexe ee xulka England iyo kooxda Borussia Dortmund ee Jude Bellingham ayaa sii xoogaysanaya gaar ahaan qaabka fiican ee uu da’yarkaasi koobka aduunka uga soo dhalaalayo.

Bellingham ayaa hal gool iyo hal caawimo kusoo sameeyay afar kulan koob aduun isagoo kusoo bilawday dhammaan kulamada dalkiisu ilaa haatan ciyaaray.

Jude ayay warbaahintu sheegaysaa in kooxdiisu ku qiimaynayso 150 Milyan oo euro iibkiisa taas oo adkayn doonta inay ku dhacaan kooxaha xiisaynayaa.

Kooxaha lala xidhiidhiyay ilaa haatan ayaa kala ah Liverpool, Man City, Real Madrid, Man United iyo Chelsea oo la saadaalinayo inay ku loolami doonaan xagaaga dambe.

Sida uu haatan sheegayo kanaalka Sky Sports, Man United ayaa gabi ahaanba iskaga hadhay tartanka loogu jiro saxeexa 19 sano jirkaas.

Manchester ayaa doonaysa saxeexa khad dhexe oo No.8 ah waxayna xagaagii xooga saareen isku dayga ah inay Frankie De Jong kala soo wareegaan Barcelona walow ay suurogali wayday.

Si lamid ah Man United, warar cusub ayaa sheegaya in Real Madrid ka werwersan tahay inuu dhaco dagaal dhinaca dalabaadka ah oo Bellingham la xidhiidha oo ay arrin aysan doonayn inay qayb ka noqoto.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*