ku biirista Zinedine Zidane ee Paris Saint-Germain oo Saameyn ku yeelaneysa heshiiska Kylian Mbappe ee Real Madrid

Magacaabida suurtogalka ah ee Zinedine Zidane ee tababaraha Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay wax u dhimi karto isku dayga Real Madrid ee saxiixa Kylian Mbappe .

Zidane ayaa dhawaan lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo hogaamiyayaasha Ligue 1, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Mauricio Pochettino loo diyaarinayo inuu bedelo Ole Gunnar Solskjaer ee Manchester United .

49-sano jirkaan laftiisa ayaa la rumeysan yahay in loo soo bandhigay boos ka banaan United, si kastaba ha ahaatee waa uu diiday maadaama uu u hanqal taagayo shaqada xulka qaranka France ama PSG .

Sida laga soo xigtay Marca , Los Blancos waxay ka cabsi qabtaa in imaanshiyaha Zidane ee PSG ay ku qancin karto Mbappe inuu sii joogo Parc des Princes, ugu yaraan ilaa laga gaaro Koobka Adduunka 2022.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Zidane uu isku dayay inuu 22-sano jirkaan soo xero geliyo waqtigii uu ku sugnaa Santiago Bernabeu, labadan nin ayaa midba midka kale aad ula dhacsan.

Mbappe, oo qandaraaskiisu dhacayo xagaaga soo aadan, ayaa awoodi doona inuu la hadlo kooxaha kale laga bilaabo Janaayo.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*