Home Suuqa Kala iibsiga Ku biiristii Mikel Merino ee Arsenal ayuu hakad ku yimid iyo Sababta...

Ku biiristii Mikel Merino ee Arsenal ayuu hakad ku yimid iyo Sababta oo la ogaaday

0

Ku biiristii Mikel Merino ee Arsenal ayuu hakad ku yimid iyada oo Fabrizio Romano uu sharaxayy sababta keentay dib u dhaca.

U Dhaqaaqista Merino ee Arsenal ayaa u muuqatay mid dhaw todobaad ka hor laakiin haata wax horumar ah lagama samayn taas oo wal-wal ku keentay taageerayaasha kooxda Arsenal.

Romano ayaa haatan daaha ka qaaday in Arsenal aysan xitaa la soo xiriirin xiddiga heerka caalami ee dalka Spain.

“Hadda fahamkaygu waa in wada xaajoodyadu sii socdaan, Wali waa wax afka ah ma jiraan wax dalab Rasmi ah laakiin hubaal Merino waxa uu sugayaa Arsenal si ay u dhamaystirto heshiiska”ayuu Romano yidhi.

“Sidoo kale waxay ku saabsan tahay shuruudaha lacag-bixinta, qaab-dhismeedka, waxyaabo badan oo la raaco oo u dhexeeya labada kooxood. Merino waxa uu doonayaa Arsenal, marka waxa ay ku xidhan tahay kooxaha hadda.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here