Home Warka Xiisaha Leh Ku biiritaanka Kai Havertz ee Arsenal oo loo doortay heshiiskii ugu xumaa...

Ku biiritaanka Kai Havertz ee Arsenal oo loo doortay heshiiskii ugu xumaa ee suuqa kala iibsiga xagaagan.

0

Ku biiritaanka Kai Havertz ee Arsenal ayaa loo doortay heshiiskii ugu xumaa ee suuqa kala iibsiga xagaagan.

Intii lagu guda jiray suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga, kooxaha adduunka ayaa isku dayayay inay horumariyaan kooxdooda ka hor xilli ciyaareedka 23/24.

Rikoorka suuqa kala iibsiga Ingariiska ayaa waxaa labo jeer jabiyay Declan Rice oo ku biiray Arsenal iyo Moises Caicedo oo ku biiray Chelsea.

Naadiyada Sacuudi Carabiya ayaa soo jiitay qaar ka mid ah xirfadleyda ugu waa weyn kubada cagta Yurub.

Iyadoo suuqa kala iibsiga uu hadda xiran yahay, heshiiska Havertz ee 65 milyan ginni ee Arsenal ayaa loo doortay inuu yahay kii ugu xumaa halka soo xerogelinta Tottenham Hotspur ee James Maddison loo doortay kan ugu wanaagsan.

Ra’yi uruurinta waxaa sameeyay The Athletic, oo weydiisay wakiilo badan oo ku lug lahaa suuqa kala iibsiga intii lagu jiray xagaaga inay u codeeyaan heshiisyadooda ugu wanaagsan iyo kuwa ugu xun.

Heshiisyada ugu wanaagsan xagaaga, Maddison wuxuu ku guuleystay cod aqlabiyad ah ka dib markii uu helay sagaal cod. Declan Rice ayaa ku jiray kaalinta labaad oo helay saddex cod, halka Jude Bellingham iyo Harry Kane ay kaalinta seddexaad isla galeen.

Si kastaba ha ahaatee, Havertz ayaa helay lix cod oo ah saxiixii ugu xumaa, iyadoo xiddiga ugu qaalisa Premier League Caicedo uu soo galay kaalinta labaad ee saxiixii ugu xumaa isagoo helay shan cod. Waxaa seddexaad oo galay xiddiga Man United Mason Mount oo helay seddex cod.

Previous articleLiverpool oo loo sheegay in tababarihii u beddeli lahaa Jurgen Klopp aanu ka fogeyn oo uu joogo horyaalka Premier League
Next articleManchester United oo Go,aan culus ka Qaadatay Jadon Sancho ka dib markii ay isku dhaceen tababare Erik ten Hag

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here