Kubada Cagta waxaa iskaga Fadhiistay Mid kamid ah Xidigihii hore ee Chelsea

Weeraryahankii hore ee kooxaha Chelsea, Newcastle United iyo West Ham Demba Ba ayaa ka fadhiistay Ciyaaraha kadib 16-kii sano ee xirfadiisa ciyaareed.

Wuxuu ku guuleystay horyaalkii Turkish Super Lig laba jeer xilli ciyaareedyadii la soo dhaafay, isagoo Besiktas la qaaday 2016/17 iyo Istanbul Basaksehir 2019/20.

Ba, oo labo jeer ku soo qaatay Shiinaha Shanghai Shenhua isla markaana 22 kulan u saftay Senegal, ayaa koox la’aan ahaa ka dib markii uu ka tagay kooxda Swiss Lugano bishii Ogosto.

“Waxay ku jirtaa qalbi ay ka buuxdo mahadnaq in aan ku dhawaaqo dhamaadka xirfadeyda ciyaareed,” Ba ayaa bartiisa Twitter -ka soo dhigay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*