Home Suuqa Kala iibsiga Kubadsameeyaha kooxda  Manchester City Kevin De Bruyne oo ogolaaday inuu u dhaqaaqo Boqortooyada Sacuudi...

Kubadsameeyaha kooxda  Manchester City Kevin De Bruyne oo ogolaaday inuu u dhaqaaqo Boqortooyada Sacuudi Carabiya

0

Kubadsameeyaha kooxda  Manchester City Kevin De Bruyne ayaa lagu soo waramayaa inuu ogolaaday inuu u dhaqaaqo Boqortooyada Sacuudi Carabiya isagoo heshiis shaqsi ah la gaaray Al-Itixaad.

33 jirkaan ayaa hadda galay 12-kii bilood ee ugu dambeeyay qandaraaskiisa Etihad Stadium, waxaana mustaqbalkiisa fog uu mugdi galay dhowr bilood ka hor.

Ma jiro wax dhaqdhaqaaq oo weyn oo sameenayan City, waxayna halis ugu jiraan inay waayaan xiddig muhiim ah xagaagan.

Laacibkii hore ee Wolfsburg iyo Chelsea ayaa dhawaan ku adkeystay inuu tixgelin doono dalab ka yimid Saudi Pro League.

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa sidoo kale sheegtay in kooxda heysata horyaalka Premier League ay rajeyneysay De Bruyne inuu sii adkeysto ololaha 2024-25, taasoo noqon doonta xagaagiisii 10-aad ee xirashada maaliyadda  Man City tan iyo markii uu ku biiray 2015kii.

33 jirkaan ayaa haatan gacanta ku haaya qandaraas lacag badan ah oo uu ka helayo Al-Ittihad, kaasoo haatan ay u ciyaaraan Karim Benzema iyo N’Golo Kante.

Warka ayaa intaa ku daraya in kooxda ka dhisan Saudi Pro League ay haatan wadahadalo la gali doonto Man City si ay ugala hadlaan qiimaha De Bruyne kaas oo uu Guardiola diyaar u yahay in uu xagaagan macsalaameeyo.

De Bruyne waxa uu diiwaangeliyay 102 gool iyo 170 caawin 382 kulan uu ciyaaray, oo ay ku jiraan lix gool oo uu dhaliyay iyo 18 caawin 26 kulan oo tartamada oo dhan ah intii lagu jiray ololihii 2023-24.

33 jirkaan ayaa lix billadood oo Premier League ah kula guuleystay  Man City, marka lagu daro koobabka Champions League, Club World Cup, UEFA Super Cup, labo FA Cup, shan EFL Cups iyo labo Community Shields.

Laba ciyaaryahan oo Jarmal ah ayuu Pep ku fakiraya inuu ku bedelo waana Jamal Musiala oo Bayern Munich u ciyaara iyo Florian Wirtz oo Bayer Leverkusen u ciyaara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here