
Kulamada La Liga ee xilli ciyaareedka cusub ayaa la shaaciyay 2022/23.
Real Madrid ayaa u safri doonta kooxda dhawaan soo dalacday ee Almeria halka Atletico Madrid ay marti ku noqon doonto Getafe dhamaadka usbuuca 13/14 Agoosto.
Barcelona ayaa xilli ciyaareedka ku daah furi doonta garoonka Camp Nou kooxda Rayo Vallecano .
Espanyol waxay u safri doontaa Celta Vigo , Girona , oo ku soo laabatay Primera Division seddex sano ka dib, waxay ku ciyaari doontaa Valencia .
Shanta kulan ee ugu horeysa Barça waa: Rayo H, Real Sociedad A, Real Valladolid H, Sevilla A iyo Cadiz A.
Taariikhaha kale ee xusidda mudan ee jadwalka:
Kulamada Clasico:
Todobaadka 9-aad: Real Madrid – Barcelona (Oct. 16)
Todobaadka 26-aad: Barcelona – Real Madrid (Mar. 19)
Madrid Derby:
Todobaadka 6: Atletico- Real Madrid (Sept. 18)
Todobaadka 23-aad: Real Madrid –Atletico (February 18)
Kulanka Derby Barcelona :
Todobaadka 15-aad: Barcelona – Espanyol (Dec. 31)
Todobaadka 34-aad: Espanyol – Barcelona (May 15)
Be the first to comment