Kulamada Muhiimka uu Maqnaanayo Granit Xhaka oo la Shaaciyay

Arsenal ayaa ku qasbanaan doonta in ay la tacaasho Maqnaashaha Granit ee Kulamada Tottenham Hotspur iyo Liverpool ka dib casaankii uu qaatay habeenkii Khamiista.

Kabtanka Switzerland ayaa ku soo laabtay XI ee ugu horeysay ee kooxdiisa lugta hore ee semi-finalka EFL Cup-ka oo ay la ciyaareen Reds ka dib markii uu ka soo kabsaday COVID-19.

Si kastaba ha ahaatee, Xhaka ayaa qaatay casaankii shanaad ee Arsenal tartamada oo dhan ka hor 30-kii daqiiqo ee ciyaarta isagoo qabtay Diogo Jota.

Michael Oliver kama uusan laba labeynin inuu siiyo kaarka cas oo toos ah, taasoo la micno ah in Xhaka uu haatan qaadan doono ganaax seddex kulan ah oo gudaha ah, kaasoo ka bilaaban doona kulanka North London derby axada.

29-sano jirkaan ayaa sidoo kale seegi doona kulanka lugta labaad ee semi-finalka EFL Cup-ka ee ka dhici doona Emirates todobaadka soo socda, waxaana uu dhameystiri doonaa ganaaxiisa kulanka Burnley 23ka Janaayo.

Kaarka cas ee Xhaka ayaa ka dhigan in Albert Sambi Lokonga inuu yahay khadka dhexe ee kaliya ee Arteta taam ah, iyadoo 18-jirka Charlie Patino uu u taagan yahay doorasho degdeg ah.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*