Kulankii Fulham Iyo Liverpool:Saddexdii ciyaartoy ee Liverpool ee ceeboobay

Alexander-Arnold ayay u ahayd maalin madow. Waxa uu iska waayey hal-abuurkii lagu yaqaanay ee uu weerarka kala qayb-qaadan jiray, taas beddelkeedana waxa uu noqday mid ku fashilmay in uu xataa goolkiisa difaacdo. Goolka koowaad ee Fulham ayuu Mitrovic isaga ka dul-booday oo uu madax kaga dhaliyey. Waxa u sii raacay in dhawr jeer si fudud loo dhaafay oo qaybtiisa liidata bannaanka loo keenay.

Waxa kale oo aad u liitay Thiago Alcantara oo booskiisa khadka dhexe ay kooxdu ka dunsanayd. Inkasta oo uu qaybtii dambe ku baxay dhaawac, haddana waxa uu xammili waayay culayska iyo hirdanka ciyaartoyda Fulham khadka dhexe ugu diyaarsanaa.

Ciyaartoyga saddexaad ee fashilmay waxa uu ahaa Roberto Firmino oo maqane jooga ka ahaa gudaha garoonka, iyadoo aanu haba yaraatee waxa saamayn ah ku lahayn garoonka.

Saddexdan ciyaartoy ee Liverpool ayaa ahaa kuwa ugu liitay guud ahaan ciyaarta.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Fulham: Rodak (7), Tete (7), Adarabioyo (6), Ream (7), Robinson (7), Reed (7), Joao Palhinha (8), Reid (6), Andreas Pereira (8), Kebano (7), Mitrovic (9).

Beddelka: Solomon (6), Duffy (n/a), Cairney (n/a).

Liverpool: Alisson (6), Alexander-Arnold (5), Matip (6), van Dijk (6), Robertson (7), Henderson (6), Fabinho (6), Thiago (5), Salah (7), Firmino (5), Diaz (7).

Beddelka: Milner (6), Elliott (5), Nunez (8), Carvalho (6).

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*