Home Horyaalka Ingiriiska Kulankii Liverpool iyo Fulham oo laga diiwaangaliyay Xaqiiqooyinka

Kulankii Liverpool iyo Fulham oo laga diiwaangaliyay Xaqiiqooyinka

0

Kooxda Liverpool ayaa bar-baro dirqi ah la gashay kooxda Fulham kulan ka tirsanaa todobaadkii 12-aad ee horyaalka premier League.

Gool uu Mohamed Salah dhaliyay oo rikoodhe ah ayaa Liverpool ka badbaadiyay guuldaro 2-aad oo soo gaadha horyaalka premier League.

Hadaba halkan kaga bogo xaqiiqooyinkii laga diwaan galiyay kulankii ay Liverpool bar-baraha la gashay Fulham.

1.Kadib markii laga dhaliyay kaliya 5 gool 12 kulan xilli ciyaareedkii 2018/2019, sidoo kale 10 gool laga dhaliyay wakhtigan oo kale xilli ciyaareedkii hore, Liverpool ayaa laga dhaliyay 18 gool kadib 12 kulan waana intii ugu badnayd ee laga dhaliyo wakhtigan oo kale horyaalka markii ugu horaysay tan ilaa 2014/2015 markaas oo laga dhaliyay 18.

2.Kooxda Liverpool ayaa haatan dhalisay 18-kii rikoodh ee ugu dambeeyay ee premier League iyada oo uu Mohamed Salah dhaliyay 12 ka mid ah.

3.Liverpool ayaa haatan lumisay 11 dhibcood kadib 12 kulan oo premier League xilli ciyaareedkan halka ay Reds kaliya 15 kulan lumisay dhamaan xilli ciyaareedkii hore oo dhan.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here