Home Warar Ciyaaraha Maanta Kulankii ugu horeeyay ee champions League cusub oo noqday Juventus guul ka...

Kulankii ugu horeeyay ee champions League cusub oo noqday Juventus guul ka gaadhay kooxda PSV.

0

Kulankii ugu horeeyay ee champions League cusub ayaa ahaa mid ay Juventus guul ka gaadhay kooxda PSV.

Xiddiga goolka ugu horeeyay ee tartanka cusub ee champions League dhaliyay ayaa ah xiddiga Kenan Yildiz.

Xiddiga reer Turkey ayaa wacdaro ka dhigaya Juventus isaga oo dhamaaan goolal dhaliyay kulamadii ugu horeeyay ee uu kooxda u ciyaaray tartamada kala duwan.

Waxa uu sidoo kale dhaliyay gool kulankiisii ugu horeeyay ee champions League waxana uu so bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Xiddia Yildiz ayaa noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee gool ka dhaliya Champions League isaga oo u ciyaaraya Juventus isaga oo jira 19 sano iyo 136 maalin.

Halyeeyga Juventus ee Alessandro Del Piero ayaa horay rikoodhka u dhigay sanadkii 1995 markii uu jiray 20 sano iyo 308 maalin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here