Home Wararka Ciyaaraha Kylian Mbappe oo dhaawac muruqa ah looga saaray kulanka PSG iyo Clermont

Kylian Mbappe oo dhaawac muruqa ah looga saaray kulanka PSG iyo Clermont

0
Ad

Paris Saint-Germain ayaa ku dhawaaqday in Kylian Mbappe uu seegi doono kulanka sabtida ee furitaanka horyaalka Ligue 1 ee Clermont sababo la xiriira dhaawac muruqa ah.

23-sano jirkaan – oo qandaraas cusub u saxiixay Parc des Princes ilaa 2025 horraantii xagaagan – ayaa seegay guushii Trophee des Champions ee ay ka gaareen Nantes bishii hore sababo la xiriira ganaax.

Ad

Mbappe ayaa la filayay inuu dib ugu soo laabto Stade Gabriel-Montpied, laakiin dhibaatada heysata ee dhanka dhaawaca ayaa la macno ah in Les Parisiens ay wajihi doonto weeraryahankan la’aantiisa sabtida.

PSG ayaa daaha ka qaaday warbixin cusub oo ku saabsan xaalada Mbappe lagu soo bandhigi doono 72 saacadood gudahood isaga oo isku dayaya inuu ka soo kabsado booqashadii Montpellier HSC ee Ogosto 13.

Kooxda Christophe Galtier ayaa kaliya hal dhaawac oo kale ka walwalsan maalinta furitaanka waana Julian Draxler oo dhaawac jilibka dareemaya laakiin xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa si xoogan loola xiriirinayaa inuu baxo.

Kooxda PSG: Donnarumma, Navas, Rico; Hakimi, Mukiele, Ramos, Marquinhos, Kimpembe, Diallo, Mendes, Bernat; Pereira, Vitinha, Verratti, Paredes, Zaire-Emery; Messi, Neymar, Kalimuendo, Sarabia, Ekitike

Previous articleLa Liga oo diiday isku day ay Barcelona ku doonaysay in ay ku diwaan galiyaan saxiixyo cusub
Next articleManchester United oo dalabkii ugu horeysay ka gudbisay Benjamin Sesko

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here