Kylian Mbappe oo dhigay rikoor cusub oo gooldhalinta Champions League Ah

Laacibka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa dhigay rikoor cusub oo gooldhalinta Champions League – ga kadib goolkii uu ka dhaliyay kooxda Club Brugge .

Goolkii furitaanka ee Mbappe uu ka dhaliyay Brugge ayaa ka dhigan goolkiisii ​​30-aad ee tartamada Yurub – waana guul uu ku gaaray da’da kaliya 22 sano iyo 352 maalmood.

Xidigii hore ee Monaco ayaa hadda noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee gaadha 30 gool ee Champions League, wuxuuna hadda dhaliyay ugu yaraan afar gool lix xilli ciyaareed oo isku xigta.

Mbappe ayaa dhaliyay goolashiisii ​​30-aad iyo 31-aad ee Champions League ku dhawaad ​​shan sano kadib goolkisii ugu horeeyay ee uu udhaliyay Monaco kulankii ay guuldarada 5-3 ah kala kulmeen Manchester City bishii February 2017.

22 jirkan ayaa goolashiisa xili ciyaareed kaan noqday 11 gool iyo 13 caawin 22 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*