Home Horyaalka France Kylian Mbappe oo go’ansaday waqtiga uu ka tagayo kooxdiisa Paris Saint-Germain

Kylian Mbappe oo go’ansaday waqtiga uu ka tagayo kooxdiisa Paris Saint-Germain

0

Weeraryahanka Paris Saint-Germain Kylian Mbappe ayaa lagu soo waramayaa inuu go’aansaday inuu ka tago kooxda heysata horyaalka Faransiiska markii qandaraaskiisa uu dhacayo 2022.

Xiddiga reer France ee ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa horay u xaqiijiyay in wadahadalo heshiis kordhin ah uu kula jiro PSG ay socdaan, laakiin weli wuxuu go’aansaday mustaqbalkiisa ilaa iyo haatan.

Mbappe ayaa weli lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo kooxaha Real Madrid ama Liverpool midkood , haddii uu u wareego koox kale oo sarre oo reer Yurub ah..

Sida laga soo xigtay Diario Sport , kooxda ka dhisan Faransiiska ayaa Mbappe wadahadalo joogta ah kala yeeshay mustaqbalkiisa, waxaana uu ixtiraami doonaa qandaraaska uu haatan kula joogo ilaa uu ka dhacayo xagaaga 2022.

Si kastaba ha noqotee, haddii Real Madrid ama Liverpool ay dalab ka gudbiyaan xiddiga reer France ka hor inta uusan heshiiskiisa dhicin, PSG ayaa lagu soo waramayaa inay dalban doonto lacag rikoorka adduunka ah oo ay ku iibiso ciyaaryahankii hore ee Monaco.

Mbappe ayaa ah ciyaaryahanka ugu goolasha badan Ligue 1 xilli ciyaareedkan isagoo leh 16 gool 21 kulan oo uu saftay.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here