Kylian Mbappe oo ka hadlay inuu ku biirayo Real Madrid Dhamaadka Xili Ciyaareedkan

Kylian Mbappe ayaa beeniyay inuu horay u go’aansaday inuu ku biiro Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Weeraryahanka Paris Saint-Germain ayaa ka hadlay waxa mustaqbalka noqon karo ka dib markii uu gool Dhaliyay kulankii ay 5-1 kaga badiyeen Lille Axadii Ligue 1.

Wargeyska Bild ee ka soo baxa Jarmalka ayaa dhawaan sheegay in Mbappe iyo Madrid ay gaareen heshiis dhigaya in xiddiga heerka caalami ee dalka France uu u dhaqaaqo Santiago Bernabeu.

Qandaraaska Mbappe ee PSG ayaa ku eg dhamaadka xiliciyaareed kaan, inkastoo kooxda reer France ay dooneyso inuu saxiixo heshiis kordhin, ma cadda in midaas la tixgelinayo iyo in kale. 

Xiisaha Madrid ma ahan wax qarsoon, ka dib markii ay isku dayeen inay la soo wareegaan Mbappe bishii Ogosto.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*