Weeraryahanka kooxda Real Madrid, Kylian Mbappe, ayaa ka hadlay maqnaanshihiisa safka xulka qaranka France, isagoo sheegay in go’aanka looga reebay xulka qaranka France uu yahay midka tababare, Didier Deschamps.
Mbappe, oo wareysi siiyay Canal+, ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu laalay jacaylkii uu u qabay xulka qaranka, isagoo tilmaamay inuu weli doonayo inuu u ciyaaro France.
“Jacaylkeyga xulka France isma beddelin. Dabcan, waan u xiisay, waayo waqti dheer ayaan ka maqnaa. Bishii September, aniga ayaa codsaday inaanan tagin. Waxaan ahaa mid ku cusub Madrid oo aan fasax gaaban heystay. Tababaraha ayaa ku adkeystay inaan imaado, balse wax walba si fiican uma aysan socon. Laakiin weli waa xulka qaranka France,” ayuu yiri Mbappe.
Wuxuu intaas ku daray inuu dhaawac ku maqnaa bishii October, taasoo keentay in aanu qeyb ka noqon wada-hadallada u dhexeeyay isaga iyo shaqaalaha farsamada xulka.
Tababare Didier Deschamps ayaa sidoo kale diiday inuu faahfaahin ka bixiyo sababaha uu ugu yeeri waayay Mbappe, balse wuxuu sheegay inuu weli ku jiro qorshihiisa. Hadda oo aysan jirin fasax caalami ah ilaa bisha Maarso 2025, Mbappe wuxuu si buuxda diiradda u saari karaa waajibaadkiisa kooxda Real Madrid.