Kylian Mbappe oo ku dhow inuu u dhaqaaqo Kooxda Real Madrid, PSG oo Rajo xumo muujisay

Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa in ay ‘ rajo xumo’ ka qabto fursada ay Kylian Mbappe ugu qancin lahayd in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa heshiiska uu haatan ku joogo Paris wuxuu dhacayaa xagaaga soo aadan, taasoo la micno ah, sida uu hadda yahay, inuu xor u yahay inuu wada hadalo la yeesho kooxo ajnabi ah bisha Janaayo si uu heshiis horudhac ah u galo.

Real Madrid ayaa ku fashilantay saxiixa Mbappe suuqa xagaagii hore laakiin wali waa kooxda ugu cadcad saxiixiisa.

Sida laga soo xigtay AS , ku guulaysta koobka adduunka ayaa ku sii siqaya u dhaqaaqista caasimadda Spain, iyadoo PSG ay ku dhowdahay inay qirato guuldaradii isku daygeeda ahaa inay sii haysato.

Warbixinta ayaa sheegeysa in 22-sano jirkaan uu si aad ah u doonayo inuu u wareego Real Madrid waxaana laga yaabaa inuu heshiis la gaaro Janaayo ka hor inta uusan u dhaqaaqin dhamaadka xilli ciyaareedka 2021-22.

Mbappe ayaa markale qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay heerka kooxda inta lagu jiro xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 9 gool waxana uu u diiwaan gashaday 12 caawin 18 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Isku soo wada duuboo, xiddiga reer France ayaa dhaliyay 141 gool waxaana loo diwangeliyay 73 caawin 189 kulan oo uu u saftay PSG tan iyo markii uu uga soo dhaqaaqay Monaco.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*