
Xiddiga diirada u saaran kooxda Real Madrid ee Kylian Mbappe ayaa lagu arkay caasimada Spain iyadoo ay jiraan warar xan ah oo sheegaya inuu xagaaga u wareegayo Santiago Bernabeu.
23-sano jirkaan, kaasoo qandaraaskiisa Paris Saint-Germain dhacayo bisha soo socota, ayaa lagu xamanayaa inuu doonayo inuu ku biiro Los Blancos, waxaana uu doonayaa inuu dhimo mushaarkiisa si uu u dhameystiro u dhaqaaqista kooxda Carlo Ancelotti .
Iyadoo waqti yar uu uga harsan yahay qandaraaskiisa, muuqaalka Mbappe ee Madrid ayaa dhaliyay hadal heyn ah in xiddiga reer France uu u joogo magaalada si uu ugala xaajoodo ku biirida Real.
Majalada wararka ee Isbaanishka ee Cope ayaa soo bandhigtay sawirka Mbappe oo galinkii dambe ee isniinta la sii galaya maqaayad ku taal Madrid isaga iyo saaxiibkiis Achraf Hakimi .
Wararka ayaa intaa ku daraya in labada ciyaaryahan ay maqaaxida yimaadeen labo qof oo kale, iyadoo Hakimi uu la socday walaalkiis.
💥 Informa @JaviGomezCh
💣 @KMbappe está en Madrid
🧑🏻🍳 Está comiendo en un famoso restaurante de la capital con @AchrafHakimi
📻 #PartidazoCOPE pic.twitter.com/nx7tKUeGkU
— El Partidazo de COPE (@partidazocope) May 9, 2022
Mbappe ayaa tan iyo markii uu soo galay Instagram-ka soo dhigay sawirka isaga oo Madrid kula jira timo -jareyaashiisa Brice Tchaga iyo Hakimi.
Be the first to comment