Kylian Mbappe oo saxiixaya qandaraaska Real Madrid dhamaadka usbuuca soo socda’

@reuters

Kylian Mbappe ayaa lagu soo waramayaa in uu si Rasmi ah u saxiixi doono heshiiskiisa kooxda Real Madrid dhamaadka todobaadka dambe.

Heshiiska xiddiga heerka caalami ee dalka France ee Paris Saint-Germain ayaa ku eg dhamaadka bisha June, waxaana weli si weyn loola xiriirinayaa inuu beeca xorta ah ugu dhaqaaqo Bernabeu.

PSG ayaa si quus ah isku dayaysay in ay ku qanciso weeraryahanka in uu heshiis cusub u saxiixo caasimada France laakiin waxa ay haatan u muuqataa in lagu qasbay in ay qirato guuldarada.

Sida laga soo xigtay Marca , Real Madrid ayaa kalsooni ku qabta in Mbappe uu saxiixi doono qandaraaskiisa Bernabeu taasoo soo gabagabeyneysa sheeko dheer oo soo jirtay.

Warbixinta ayaa sheegeysa in wadahadaladu ay sii xoogeysteen tan iyo markii Los Blancos ay PSG ka saartay Champions League usbuucii hore, iyadoo Mbappe labada gool uu ka dhaliyay kulanka aysan ku filneyn inuu kooxdiisa soo saaro.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*