Home Warar Ciyaaraha Maanta Kylian Mbappe oo waji cusub oo muran ah la kulmay

Kylian Mbappe oo waji cusub oo muran ah la kulmay

0

Xiddiga Real Madrid, Kylian Mbappe, ayaa waji cusub oo muran ah la kulmay kadib markii tababaraha xulka France, Didier Deschamps la ogaaday in uu ka fikirayo inuu ka qaado Mbappe kabtannimada.

Tani waxay dab kusii shiday qilaaf muddo soo jiitamayay oo u dhexeeya Mbappe iyo Deschamps, iyadoo xaaladda si weyn looga hadal hayo warbaahinta Faransiiska.

Inkasta oo Mbappe uu taam ahaa labadii kulan ee ugu dambaysay ee fasaxa caalamiga ah, haddana lama soo xulan. Sababta ugu horreysay waxaa lagu sheegay dhaawac, halka markan dambe Deschamps uu sheegay inay ahayd mid ku habboon Mbappe inuu diiradda saaro qaab-ciyaareedkiisa oo uu dib ugu soo laabto heerkiisii ugu fiicnaa.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa soo baxay warar sheegaya in Deschamps uu si ula kac ah u ciqaabay Mbappe, kadib markii uu seegay tababarka xerada xulka mar hore isagoo sheegay inuu dhaawacan yahay, taas oo aan si rasmi ah loo xaqiijin. Muran ku saabsan arintaas ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan doorka Mbappe ee ah kabtanka xulka qaranka.

Sida laga soo xigtay L’Equipe, Deschamps ayaa xitaa tixgelinaya inuu magacaabo kabtan cusub, maadaama dad badan oo Faransiis ah aysan waligood ku qanacsanayn hoggaanka Mbappe. Qaar badan ayaa aaminsan in kabtannimada ay ahayd in loo dhiibo Antoine Griezmann, taasoo loo arko mid sabab u ahayd go’aankii Griezmann uu uga fariistay ciyaaraha caalamiga ah si lama filaan ah.

Tan iyo markii uu xulka France hoggaanka u qabtay ka dib Koobkii Adduunka ee 2022, Mbappe ayaa ku guuldareystay inuu soo bandhigo qaab-ciyaareedyo la mid ah kuwii hore. Hadda, muranka kabtannimada ayaa u muuqda mid sii hurinaya xiriirka aan wanaagsaneyn ee u dhexeeya isaga iyo tababare Deschamps.

Deschamps ayaa la sheegay inuu qorsheynayo inuu la hadlo Mbappe si uu u ogaado haddii uu doonayo inuu sii ahaado kabtanka xulka iyo hadii kale. Haddii Mbappe uu dalbado inuu sii ahaado hoggaamiye, Deschamps ma diidi doono.

Tani waxay abuureysaa xaalad kacsan oo xulka France dhexdiisa ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here