Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa xalay barbarreeyey rikoodhkii gool-dhalinta ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi kaddib markii uu shabaqa soo taabtay ciyaartii guul-darrada ee Nice.
Mbappe ayaa waqti horeba soo jiidhay tiro rikoodho u yaallay ubadda cagta ah, sababtoo ah da’diisa yar iyo in uu waqti horeba ka mid noqday xiddigaha waaweyn ee kubadda cagta oo uu 17 jir isku-baray adduunyada.
24 jirkan oo ay wali taagan tahay xiisadda la xidhiidha mustaqbalkiisa maadaama uu xagaaga ku egyahay qandaraaskiisa PSG, illaa haddana aan xal loo helin, ayaa waxa uu illaa hadda dhaliyey shan gool oo Ligue 1 ah isaga oo waliba seegay ciyaartii Lorient ee furitaanka Ligue 1.
Mbappe oo kasoo doogay jug kasoo gaadhay ciyaartii xulka qarankiisa France uu dhibcaha kaga qaatay Republic of Ireland ee isreeb-reebka Euro 2024, kaas oo sababay inuu ka maqnaado ciyaartii saaxiibtinimo ee Germany, ayaa waxa uu shabaqa soo taabtay dhamaan kulamadii horyaalka ee uu u saftay kooxdiisa xilli-ciyaareedkan.
Jimcihii ayay PSG guul-darro 3-2 ah kala kulantay Nice, laakiin Mbappe ayaa shabaqa soo taabtay, waxaana uu sidaas ku barbarreeyey rikoodh khaas u ahaa Ronaldo iyo Mbappe.
Laacibkan ayaa 15 ciyaarood oo xidhiidh ah oo Ligue 1 ah oo uu u saftay PSG waxa uu dhaliyey goolal ama caawiyey, kuwaas oo kasoo bilowday bishii April ee xilli-ciyaareedkii hore.