Home Horyaalka Spain Kylian Mbappe oo Xaqiijiyay Kulankiisa ugu horeeya ee Kooxda Real Madrid

Kylian Mbappe oo Xaqiijiyay Kulankiisa ugu horeeya ee Kooxda Real Madrid

0

Kylian Mbappe ayaa muujiyay sida uu ugu hamuun qabo inuu u safto Real Madrid kulanka soo socda ee UEFA Super Cup oo ay la ciyaarayaan Atalanta 14 bisha August ee soo socota.

Inkastoo uusan xaqiijin taariikh gaar ah, Mbappe wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu ciyaaro, isagoo go’aanka ugu dambeeya uu qaadan doono tababaraha.

“Wan hubaa in aan ciyaari doono Super Cup-ka laakiin waxa ay ku xidhantahay tababaraha, diyaar ayaan ahaan doonaa”ayuu Mbappe yidhi.”

Mbappe oo ka hadlaya koobka UEFA Super Cup-ka ayaa yidhi”Waxa uu noqon doonaa koobkii ugu horeeyay ee aan ku guulaysto mana sugi doono”.

Xiddiga reer France ayaa maanta si Rasmi ah loogu soo bandhigay taageerayaasha Real Madrid kadib markii uu qaab xor ah ugu soo biiray kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here