Home Horyaalka France Kylian Mbappe oo xaqiijiyay wadahadalada qandaraaska cusub ee Paris Saint-Germain

Kylian Mbappe oo xaqiijiyay wadahadalada qandaraaska cusub ee Paris Saint-Germain

0
@reuters

Kylian Mbappe ayaa shaaca ka qaaday inuu wadahadalo heshiis kordhin ah kula jiro kooxda Paris Saint-Germain .

22 jirkaan qandaraaska uu haatan kula joogo caasimada Faransiiska ayaa dhacaya xagaaga 2022, kooxo dhowr ah oo ay ku jiraan Real Madrid iyo Liverpool ayaa la sheegayaa inay il gaar ah ku hayaan waxyaabaha soo kordha.

Mbappe ayaa dhaliyay 106 gool 147 kulan oo uu u saftay PSG tartamada oo dhan, oo ay ku jiraan 16 gool oo uu dhaliyay 23 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkii 2020-21.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa xaqiijiyay inay socdaan wadahadalo xiriir ah laakiin wuxuu qirtay inuusan weli go’aan ka gaarin inuu mustaqbalkiisa dheer u hibeeyo kooxda.

Mbappe ayaa u sheegay Telefoot Chaine : “Waxaan la hadlaynaa kooxda. Waxaan idhi waxaan ka fikirayaa sidoo kale arinkan.

Aad ayaan ugu faraxsanahay halkaan, marwalba aad ayaan ugu faraxsanahay halkaan. Taageerayaasha iyo kooxdu marwalba way i caawiyeen. Aniguna marwalba aad baan ugu mahadnaqayaa kooxda. Waxaan doonayaa inaan ka fekero waxa aan doonayo inaan sameeyo mustaqbalka. taasna waa hadda waxaan ka fekerayaa.

“Waxaan u maleynayaa inay haa tahay, waa inaan si dhaqso leh go’aan u gaaro. Laakiin haatan waxaan ku jiraa fikir qoto dheer. Haddii aan jawaabta maanta heli lahaa, maanta waan siin lahaa. Tani ma ahan rabitaan ah inaan waqti qaato, laakiin waa kaliya in si dhab ah looga fikiro.

“Ma doonayo inaan saxiixo qandaraas ka dibna hal sano kadib waxaan dhahaa waxaan doonayaa inaan baxo sababtoo ah ma aanan dooneynin inaan saxiixo qandaraaska. Hadii aan saxiixo, waa inaan sii joogo. Taasi waa sababta ay ugu baahan tahay fikir.”

Ciyaaryahankii ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa dhaliyay labo gool kulankii ay PSG 4-0 kaga badisay Montpellier habeenkii jimcaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here