Home Warar Ciyaaraha Maanta La ogaaday Sababtii Federico Chelsia Isaga Diiday Barcelona Uguna Biiray Liverpool.

La ogaaday Sababtii Federico Chelsia Isaga Diiday Barcelona Uguna Biiray Liverpool.

0

Waxa ay u muuqatay in Federico Chiesa uu ku sii jeeday Barcelona ka hor inta ayna Liverpool soo dhex galin si ay ugala soo wareegto Juventus.

Bianconeri ayaa dooneysay inay iska iibiso ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga, Chiesa ayaana dooneyn inuu ku biiro koox kale.

Wararka ayaa sheegaya in uu Chiesa isku diyaarinayay in uu dhamaysto heshiiskiisa Juventus si uu xor ugu biiro kooxda Inter Milan.

Si kastaba ha ahaatee, Barcelona ayaa soo bandhigtay xiisaha ka dib markii ay ku guuldareysatay saxiixa Neco Williams, Chiesa ayaana doonayay in uu ku biiro Barcelona.

Juventus ayaa rajeyneysay inay dhameystirto heshiiska, laakiin ugu dambeyntii waxay xaqiiqsatay in kooxda reer Catalan aysan heysan ilo dhaqaale oo ay ku dhameystirto heshiiska.

Sida laga soo xigtay Tutto Mercato Web, Juventus ayaa ogolaatay in ay Barcelona xiddiga kaga iibiso 10 milyan laakiin Barcelona ayaa doonaysay in ay lacagta ku bixiso muddo 5 sano ah.

Juventus ayaa ku adkaysatay inay si degdeg ah u bixiso lacagtaas, wayna diiday soo jeedinta, iyadoo Chiesa uu noqday mid aan la dhacsanayn xaalada dhaqaale ee Barcelona.

Markii Liverpool ay soo bandhigtay xiisaha, labada Chiesa iyo Juventus waxay si dhakhso ah u doorteen inay diirada saaraan inay u dhaqaaqaan kooxda Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here