Home Warar Ciyaaraha Maanta Laacibkii hore ee Man United oo si cajiib ah ugu bilaawday nolosha...

Laacibkii hore ee Man United oo si cajiib ah ugu bilaawday nolosha France.

0

Laacibkii hore ee Man United ayaa si cajiib ah ugu bilaawday nolosha France.

Dib u soo noolaynta Mason Greenwood ee Faransiiska ayaa sii socota ka dib markii weeraryahankii hore ee Manchester United uu hal daqiiqo gudaheed labo gool u dhaliyay kooxda cusub ee Marseille.

22-sano jirkaan ayaa haatan dhaliyay shan gool seddex kulan oo uu saftay tan iyo markii uu Old Trafford ugu wareegay Stade Velodrome bishii July, waxaana lagu soo iibsaday £19.8 milyan oo ginni.

Greenwood ayaa goolka furitaanka u dhaliyay Marseille daqiiqadii 16aad, ka hor inta aanu si degdeg ah mid kale ugu darin wax ka yar 60 ilbiriqsi.

Wax soo saarkii hore ee akadeemiyada United ayaa rajeynayaa inuu la mid noqdo ci6aaryahankii hire ee Talyaaniga Mario Balotelli, ka dib markii uu dhaliyay 33 gool 66 kulan oo Ligue 1 ah, intii u dhaxeysay 2016 iyo 2019.

Dhanka kale ciyaartii sabtidii dhex martay Marseille iyo Toulouse ayaa ku soo idlaatay 3-1 oo ay ku badisay kooxda martida loo ahaa ee Stadium Municipal.

Weeraryahanka reer Brazil Luis Henrique ayaa caawiye ka ahaa labada gool ee Greenwood iyadoo Marseille ay heshay goolkeeda seddexaad oo uu iska dhaliyay daafaca dhexe ee Toulouse, Charlie Cresswell.

Kooxda martida loo ahaa ayaa dhamaadkii qeybtii danbe ee ciyaarta heshay goolka kalsoonida,iyadoo weeraryahanka Gabon Shavy Babicka uu si qurux badan u daba mariyay goolhayaha Marseille,Geronimo Rulli.

Marseille ayaa haatan 7 dhibcood ku heysa hogaanka Ligue1.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here