Laba kooxood oo Saudi Arabia ah oo ku dagaalamaya Saxiixa Cristiano Ronaldo

Kooxaha Saudi Arabia ee Al-Hilal iyo Al-Nassr ayaa lagu soo waramayaa inay ku dagaalamayaan saxiixa xiddiga xorta ah ee Cristiano Ronaldo .

37-sano jirkaan ayaa haatan koox la’aan ah ka dib markii Manchester United ay si wadajir ah ugu heshiiyeen inay joojiyaan qandaraaskiisa horaantii bishaan ka dib wareysigii uu siiyay Piers Morgan TalkTV .

Ronaldo, oo markii hore codsaday inuu ka tago Red Devils xagaagii hore si uu u raadiyo kubbadda cagta Champions League, ayaa si weyn u dhaleeceeyay kooxda, maamulaha Erik ten Hag , qoyska Glazer, xubno badan oo guddiga ah iyo ciyaartoy hore.

Laacibka shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa hadda baadi goob ugu jira inuu tartan cusub ka galo koox cusub, waxaana aad loo hadal hayaa halka uu ku dambeyn doono.

Kooxda reer Yurub ee Bayern Munich ayaa xaqiijisay inaysan hadda ku jirin tartanka saxiixa Ronaldo, halka Chelsea sidoo kale la fahamsan yahay inay soo afjartay xiisihii ay u qabtay weeraryahanka.

Si kastaba ha ahaatee, Ronaldo ayaa si xoogan loola xiriirinayaa inuu lacag badan ugu wareegi karo Sacuudiga, Daily Mirror ayaana warineysa in Al-Nassr uu tartan adag kala kulmayo kooxda ay xafiiltamaan ee Al-Hilal.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*