Xiddiga da’da yar ee reer Brazil ee Endrick Felipe ayaa shaaciyey labadii ciyaartoy ee sababta u ahaa in uu doorto Real Madrid oo uu dhowaan u saxeexay heshiis waqti dheer ah oo u suurtogelinaya inuu ka garab ciyaaro xiddigaha ay isku waddanka yihiin ee Vinicius iyo Rodrygo.
16 jiirkan ayaa maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Madrid oo isaga iyo xubnaha qoyskiisu ay yimaaddeen, laakiin dib ugu laaban doonaa naadigiisa Palmeiras oo uu sii joogi doono illaa laga gaadhayo July 2024, markaas oo ay da’diisu noqon doonto 18 jir.
Real Madrid ayaa weeraryahankan ka saxeexday heshiis soconaya illaa sannadka 2030, taas oo ka dhigan in uu ka ciyaari doono Santiago Bernabeu illaa inta ay da’diisu gaadhayso 24 jir, xilligaas oo mar kale ay Los Blancos isku dayi doonto inay qandaraaskiisa cusboonaysiiso haddii ay ku qanacdo ciyaartiisa.
Wargeyska Marca ayaa uu waraysi siiyey Endrick, waxaana uu shaaciyey labadii ciyaartoy ee sababta u ahaa inuu yimaaddo Real Madrid, waxaanu yidhi: “Waxa aan rajaynayaa in aan xilli ciyaareedyo wanaagsan ku qaadan doono Real Madrid marka aan kusoo biiro 2024. Haddana dib ugu laabanayaa Palmeiras laakiin waxa aan kooxdan ka taageeri doonaa meel fog. Waxa aan xilli ciyaareed wanaagsan u rajaynayaa saaxiibbaday Vini, Eder iyo Rodrygo in ay Real Madrid kula guuleystaan koobab badan oo Champions League ah, horyaallo badan iyo Supercup badan.
“Real Madrid waa koox weyn, Vini ayaa farriin iisoo diray oo rajo isiiyey. Cristiano oo ah xiddiga aan ku daydo ayaa isagunaa u ciyaari jiray Real Madrid. Sababtaas darteed ayaan ku doortay Real Madrid.”